|
|
Cadayn Nabadeed
Ayada oo ay saldig utahay diintayadu, ayaa ilaa iyo wagti aan dhaweeyn,
waxaa diinta Quakers ay a'aminsanayd in si nabadgalyo ah lagu xaliyo
dalgalada iyo iskhilaafka. Waxaanu a'aminsanahay in ilaahay nafkasta
uu abuurtay, waana ka horjeednaa naf la qaado, qofnana kuma taageerikarto
dilid nafeed.
Waxaanu a'aminsanahay in iskhilaafkasta si nabadgalyo ah lagu dhamayn
karo, markii ruux kastaa uu awoodiisa iyo caqligiisa u isticmaalo. Waxaanu
ka baranay caabudida illahay iyo diintayadaba, in dhibaatooyinka ugu
adag oo la'isku khilaafo in si dhibyar lo xalinkaro markii ilaahay loo
kaashado. A'amusku iyo ka fakarka dhibaatoyinku waxay furan irdo cusub
oo hadii kale a'anaan aragneen.
Wax cadaw ah ma lehin. Waxaanu a'aminsanahay in ruuxkastaa is isbadalikarayo.
Nabadgalyo ka talintu waxay u baahantahay huritaan nafta ah, baqdinta
oo aad diido, iyo ka tilaabi xuduuyo adag. Ayado lagu jiro waqti dagaal
lagu qaaday ARGAGIXISADO, iyo kaga hormar dagaal, anagu dagaal kuma jirno.
Dagaal nacaybku waa taxan farabadan, waxaana ka mid ah wada hadal lala
yeesho qoladaad iska soo horjeedan, mudaaharaadyo lagaga hortago xukuumadaha
aan cadaalada ahayn, ama si loogu samrilahaa sharci waqti dheer qaata.
Ka hortag aan lala daahin ayey u baahantay dalgaal nacaybku si uu u noqdo
mid xoog leh. Midab nacaybka, nacaybka dadka kaa duwan, cadaalad la'anta
dhaqaalaha, qayb xumada maalka iyo waxyaalo kale oo cadaalad daro ah
waa in lala dagaalaa ka hor inteeyan abuurin cadawnimo iyo dagaal. Taxadar
gaar ah waa in la qaataa kadib markuu dagaal daco, waana in lagu dadaalaa
dhismo iyo dhul soo celin. Taasi waxaa laga yaabaa in xiriirka dadka
ay wanaajiso ayna ka hortagto dagaalo imanlahaa.
Dagaal nacaybku markasta kuma dambeeyo nabadgalyo si deg-deg ah. Sida
dagaalka oo kale dad masaakiin ah ayaa markasta ku dhibaatooda. Hadana
markii dagall nacaybku uu shaqeeyo, cidina ma garato ama ma xusuusato
wanaagiisa. Mar hadii uusan dagaal dhicin cidina iskuma shidayso nabadgalyo
raadis. Ma ugaan karno dhexgalkii Rwanda iyo Barundi ee laysu keenay
kooxyada kale duwan ee lagu heshiisiiyeyna, in uu dagaal dhicilahha ka
hortagay. Inkasto aan la qiyaasi karayn, hadana waa cadaan in shakhsi
kastaa ee wadamadaas ku nool inuu ka fa'aidaystay, ay noolash dad badana
badashay.
Iskahorimmadka dagaala sokeeye wxuu keenaa dhibaatoyin dadka maatada
oo badanaa ah Khasaaro Guud. Waxay aad u baa'bisaa waddoyinka iyo biyaha
iyo waxyaalaha kale ee dadka nololnaalmoodkooda ka mid ah oo ayan dadkan
shicibka ah ayan jka maarmin. Waxay sumeeysaa hawada, waxayna sababtaa
miinooyin, iyo waxyaale kale oo dhibaatadoodi ayan ka dhamaan beeraha
iyo dhulka wax lagu abuuro. Dagaalka badani wuxuu abuuraa niman guluf
noqda, waxayna ku reebtaa dadkaas xusuus aan harin oo dadka geeystay
iyo kuwa loo geestaba waxyeesha, salna u noqota aamin daro aan laga buskoon.
Dagaal joojintu waxay noqon karta mid ah khiyaali oo aan run ahayn ama
mid fiiro dheeer leh oo dhasha xasiloooni iyo nabadgalyo. Dadkeeni hore
eek u taliyey in la baabi'yo gumeeysiga ayaa dadaalkooda lagu qosli jiray,
laakin waxay ku guuleeysteen arintaas inay daba galaan ilaa iyo intey
ka baaba'iyso gumeeysugu.dalkeena, hadana ay ka shaqeeynayaan dalkeena
iyo aduunkaba si dii loga baa'bin laha iyo siyaasadeena dibadeedba. Waxaanu
markasta kahortageeyna dagaalada ama dhibaatooyinka sammeyn kara dhinac
kasta nolosheena. Hadeey noqoto ka hortaga dhibaatooyinka ama nabad keenida.
Sida aan ka yeelo aduunyada aan ku noolahay waxay saameeyneeysaa inta
aduunyadu ay jireeyso. Siyaasadeena dibada iyo muraadjkeenu waxa weeyee
inaan nabada ilaahay aan ka dhalino hada aduunkan aan ku noolnahay.
Shirka bilkasta oo santa louis (Missouri, USA)
SAAXIIBADA UMMADAHA DIINEED
FEBRAUARY 12 2006
|